UNHCR oo Deeq gaarsiisay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe

Related image

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa ku wareejisay Hay’adaha Maxalliga ah ee magaalada Muqdisho Deeq gargaar oo ay ugu tala gashay dadkii ku dhawacmay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe.

UNHCR ayaa Deeqda ay bixisay waxa ay kala yihiin Cunto, Koronto-dhaliyaha, Alwaaxyada caagagga ah, Qalabka Jikada, Bustayaal yaryar, Saqafyada, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ugu tala gashay in ka badan 1,000 Qoys oo ay dhibaatadu saameysey.

Waxay sheegtay UNHCR Deeqdan ay bixisay in ay tahay qeyb ka mid ah dadaalada ballaaran ee ay Qaramada Midoobay ka geysaneyso xalinta xaaladda deg degga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay Hay’adda in gargaarkan uu si deg deg ah ku yimid, kadib markii Guddiga Maareynta dhibaatooyinka Soomaaliya codsadeen gargaar lagu taageerayo dadka dhibanayaasha u ah Qaraxii Zoobe.

Ururada kale ee Bani’aadamnimada, Deeq-bixiyeyaasha, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa ku biiray jawaab-celinta ay xukuumaddu hoggaamineyso si ay u taageeraan dhibbanayaasha Qaraxii Zoobe.

Weerarkii Zoobe oo ahaa mid lagu hoobtay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 280 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 300 qof, kuwaasi oo isugu jira Haween, Caruur, iyo Ciroole.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII