Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la shaaciyay.

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan.

ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here