War Deg deg Ah;- Al-Shabaab oo Askar nool ka kaxeystay degmada Afgooye

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cumar Beyre oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxana la sheegay in dagaalkaas ku dhintay qof Shacab ah ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta.

Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga kaxestay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada aysan ka hadlin dagaalkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII