Weerar ka dhacay caasimadda Faransiika oo askari boolis ah lagu dilay

Image result for paris

Askari boolis ah ayaa toogasho lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay badhtamaha magaalada Paris, sida ay sheegeen booliska Faransiisku. Wararkuna waxay intaa ku dareen in ninkii dableyda ahaa ee askarta toogtay isna markii dambe la dilay.

Champs Elysees oo ah goobta toogashadu ka dhacday ayaa boolisku xidheen. Ilaa haatanna lama sheegin ujeedada weerarkan.

Weerarkani wuxu dhacay iyadoo musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalku ay doodoodii ugu dambaysay ee Telefishanka ku dhex maraysay ka qayb galayeen ka hor maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah Axadda soo socota.

Arimaha doodda ba’ani ka taagantahay ayaa waxa ka mid ah mitidnimada Islaamiyiinta, ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku.

Weriyaha BBC-da Hugh Schofield oo ku sugan xarunta Faransiiska ayaa ku soo waramaya in ilaa haatan aanay jirin wax cadaynaya in weerarkani ahaa fal argagixiso, laakiin Champs Elysees oo ah goob dunida aad looga yaqaano oo dalxiiseyaal badani yimaadaan ayaa beryahaba laga baqayey in ay bartilmaameed noqoto.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay booliska yaa ku warantay in weerarku ahaa isku day dhac hubaysan ahaa.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII