Weeraro xoogan oo habeenkii 7 ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxa hubeysan qori gacmeedyo ayaa caawa weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhiga dowlada Somalia oo ku taalla wadada Warshadaha.

Waxaa la maqlayey rasaas muddo kooban socotay oo ay isweydaarsadeen ciidamada milateriga ee ilaalada ka haya xeyndaabka Wasaaradda gaashaandhiga & kooxaha weerarka soo qaaday.

Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa dib uga laabtay halkaas ka dib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidanka ilaalada Wasaaradda Gaashaandhiga sida wararku sheegayaan.

Ciidamada dowlada ayaa haatan isku fidiyey nawaaxiga Wasaarada gaashaandhiga iyagoo baacsanaya kooxihii weerarka soo qaaday oo halkaas ka baxsaday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan hase ahaatee waxaa hadda degan xaalada agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ka dib weerarkii caawa oo ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee mudooyinkan lagu soo qaado xarunta wasaarada.

Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada kala nooca ah ee ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho tan iyo intii xilka madaxweynaha Somalia loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo bil iyo bar ka hor.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII