Xubnaha Aqalka sare ee Mareykanka oo laalay miisaaniyada xukuumadda

Madaxweyne Trump ayaa joojiyo safar uu ku tagi lahaa gobolka Florida toddobaadkaan ilaa heshiis laga gaaro Madaxweyne Trump ayaa joojiyo safar uu ku tagi lahaa gobolka Florida toddobaadkaan ilaa heshiis laga gaaro

Dowladda Mareykanka ayaa wajaheysa inay shaqeyn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.

Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku ek tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Febraayo ayaanan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.

 

Irrin tan la mid ah oo lagu cuuryaamiyay howlaha xukuumadda ayaa dhacday sanadkii 2013-kii, waxa ayna taagneed 16 maalmood.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa haatan xirmi doono, haddii aanan la helin xal ka hor saqda dhexe xiliga Mareykanka, kolkaasi oo ku eg muddada miisaaniyada.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rajo xumo, waxa uuna bartiisa tuwiiterka soo dhigay ” arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed”.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaaraan.

Balse saacad kaddib, Mr Schumer, ayaa u sheegay werriyayaasha in “xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xiriirta waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraadiga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII