𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆 𝗤𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗛𝗮𝘄𝗹𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝘄𝗾𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮

Iyada oo laga duulayo Qorshaha Qaranka iyo Barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran, isla markaana la dardargelinayo hawlaha horqabadka u leh xukuumadda iyo isla xisaabtanka Hey’adaha fulinta, ayaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda JFS waxay u soo bandhigeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre Ballanqaadka Qorshaha waxqabadka Wasaaradahaasi ee Sanadka 2023.

Si loo gaaro Hiigsiga Xukuumadda ayaa Ra’iisal Wasaare Xamse wuxuu ku boorriyay Wasiirrada in la xoojiyo wadashaqaynta hey’adaha dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, isla markaana wuxuu ballanqaaday in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu dardargelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradahan ayaa ku soo beegmay, iyada oo Xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here