‘Mudanayaal Maanta ii Ogolaada inaan Dalka Ka Qabto Doorasho Qof iyo Cod ah Si Muwaadin Walba uu Xuquuqdiisa u Helo Loona Gaaro Doorasho Loowada Simanyahay Cadaaladna Ku Dhacda”

‘Hadaad ii Ogolaataan inaan Dalka Doorasho Qof iyo Cod ah aan Ka Qabto Waxaan Isticmaali Donaa 2 Nooc oo Kala ah 1. Nooca Casriga ah ee loo Yaqaan Bio-Metric iyo 2. Nooca Diwaan Galinta Maalinta ay Doorashada Dhaceyso oo loo Yaqaan Same Day Manual Registration”

‘Hadaad ii Ogolaataan inaan Qabto Doorashadaan Nooca 1 aad ee Bio-Metrica Waxuu Qaadan Karaa 13 Bilood laga Bilaabo Maanta oo Bisha ay Tahay July 2020 ilaa August 2021, Halka Nooca Kale ee Same Day Manual Registrationka uu Qaadan Karo 9 Bilood laga Bilaabo July 2020 ilaa Marso 2021 Waxaana Ku Kala Kici Karo 23 Malyan iyo 15 Malyan”

‘Qof Walba oo Meeshaan Fadhiyo Maanta Wuu Ogyahay Doorashadii Dad Baneed ee Dalka Ka Dhacday 2016 kii Xanuunka iyo Tiraanyada ay Dalka Ku Reebtay Madaxdii Waagaasne Waxeey Noo Balan Qaadeen in Dalku Ka Gudbi Doono Doorasha Kale oo Dadban”

‘Waxaan Rajeynayaa inaad Muwadiniinta Somaliyeed aad Xuquuqdooda u Celin Doontaan Dalkuna ay Ka Dhici Doonto Doorasho uu Qof Walba Shaki Ka Qabi Doonin”

Hadalka Xaliimo Yareey Maalintaas Dad Badan Ayeey la Aheed Dhalanteed iyo in Doorashada Dad Ban ay Ka Fiicneed Doorasho Qof iyo Cod ah.

Dadkii Xaliimo Yareey Maalintaas Fursadaas u Diiday Maanta Hadii la Suali Lahaa Lagama Maqleen Doorasho Dadban.

#share

W/Q Mohamed Ashkir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here