Baddeenna ay nagu qabsatay Kenya waa hanti Soomaaliyeed oo aan ku nacfin doonno innaga iyo jiilalalkeenna danbe, dal aan daris nahay ayaa si gardarro ah noogu qabsaday, innaguna dad iyo dowlad waxaan ku bixinay inaan baddeenna difaacanno, haddii Alle beri soo yeeriyo war-san waxaan ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed Qodobadaan hoos ku qoran;

1. Inaan Alle ku xamdinno una Mahadnaqno garyaqaannadii guusha dhaliyay.

2. Inaan halkaas maalin muujino midnimo kuna dabbaal Degno Midnimino.

3. Inaan afkeenna ka ilaalino in mid ama koox naga mid ah uu ku abaal-sheegtaan guul-wadareedkaas.

4. Waa In aynaan boogo hore danqin, oo aynaan koox ama shaqsi tuhun laga qabay looga sii darin, balse halkaas ay ku ekaato wixii horana laga socdo.

5. In aynaan fursad siyaasadeed ka raadin guushaas guud ee Alle na siiyay.

6. In Madaxweynaha dalku jeediyo Qudbad-Qaran oo u dhiganta guusha la gaaray.

7. Inaan u mahadcelino Baarlamaankii 2009 diiday heshiiskii Badda.

8. Inaan umahadcelino dowladii hore ee heshiiska geysay Maxkamada Aduunka.

9. Inaan Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa uga mahadcelino sida uu ugu mintiday ka lib-keenidda dacwada Badda.

10. In maamul Goboleedyada ay muujiyaan dabbaaldeg balaaran xataa Jubaland haddii ay duruufteeda siyaasadeed u saamaxdo.

11. Saxaafadda oo bulshada kheyr usheegta iskana ilaaliso in ay hebel amaanta siiso hebel kalana la duro.

12. Inaan xasuusnaanno kaalintii uu Allaha u naxariistee Engineer Saalixi ku lahaa guushaan iyo Abuukaate Muna Sharman.

BAL AAN ISKU DAYNO INAAN HALMAALIN OO KALI AH GEES ISKA DHIGNO WAXA INNAGA NAGA DHEXEEYA OO AAN SI WADAR AH U WADA DABBAALDEGNO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here