Waxaa xiisad ka dhex aloosan tahay dalka Midowga Yurub iyo Dowlada Turkey kadib markii Madaxweynaha Turkey si rasi ah u taageeray walaalahiis Xamaas.

Midowga Yurub ayaa warbixin dheer ka soo saaray dhaleeceynta Dalka Turkiga Taageerada Xamaas darteed iyagoo ugu soo gabanaya damaca Turkey ee ah inuu ku biiro Midowga reer Yurub kuwaasoo wax badan wadaaga sida lacagta,isku safrida iyo siyaasada intaba.

Advertisement

Warbixinta Midowga Yurub waxaa ku jirtay in guddiga uu bilaabayp wada xaajoodyada dalalka doonaya inay ku biiraan ururka sida Ukraine, Moldova iyo Bosnia iyo Herzegovina iyagoona ka reebay Turkey oo kow ka ahaa dalalkaan.

Midowga Yurub ayaa xusay in Turkigu  ficillada qaar ay ka fogayn karaan xubinnimada u udoonayo.

Sidoo kale qoraalka Midowga yurub waxaa ku jirtay in Turkiga aan laga heyn tallaabo  uu kaga laabanayo rabitaankiisa Miwoga Yurub.

Sida BBC Somali daabacday Warbixinta Midowga Yurub oo ka kooban 141 bog, ayaa lagu xusay in Turkiga sanadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac weyn ku yimid dhinacyada ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka, xorriyaadka aasaasiga ah, bulshada rayidka ah iyo sarreynta sharciga.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu sheegay in Turkigu  siyaasaddiisa arrimaha dibaddu aysan la jaan qaadi karin Midowga Yurub hoosna ay u dhacday 10%..

Midowga Yurub  mar ay qodobeeyeen eedaha turkey ay u jeedinayaan ayay ku sheegeen sidan:-

1.Hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa la kulmay cadaadis

  1. Xaquuqda aadanaha.
  2. Xoriyatul qawlka
  3.  59 wariye oo la xiray

Dhanka kale sida BBC-du sheegtay Wasaradda arimaha dibadda ee Turkiga oo ka jawaabtay warbixinta Midowga Yurub waxay sheegtay in ururku Midowga Yurub  wali ku adkaysanayo hab dhaqankiisa caddaalad darrada ah iyo eex ku wajahan Turkiga taasoo walaac galinaysa sida mustaqbalka qaaraddu u ekaan doonto.

“Xidhiidhka caalamiga ah ee hadda jira, waxaa lagama maarmaan ah in Midowga Yurub uu si caddaalad ah oo loo dhan yahay u fuliyo siyaasaddiisa ballaarinta, waa xaqiiqo uu Midowga Yurub laftiisa aqbalay in baahida loo qabo xoojinta xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub ee dhinacyada oo dhan ay ka midaysan yihiin.” Ayaa la sii raaciyey bayaanka wasaarada arimaha dibadda Turkiga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo xalay ka qeybgalay xaflad loo sameeyay ka qeybgalayaashii shirka Amjiga+Sawirro
Next articleDAAWO VIDEO: Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya “Ciidamada Booliiska waxay Atmis kala wareegayaan Amniga Dalka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here