1991 iyo maanta meel meel isaga ekaa!!

0

Jaalle Hawiye 13 kursi ee hadda Dabka laga soo qaadey, oo aan weli qaboobin ayey qeybinteeda ku mashquuleen intuu mid kasta Calculator caato ah oo jufeysan jeeb gadaaalka kala soo baxay.

Dadki Saacado kahor isla safnaa hadda waa kala safteen ayagoo uu midba midka kale iska eegaayo.

Waxaa ii sawiray saasaantii iyo muuqaalki markii Dowladdii dhexe ee kacaanka la riday, raggii wada socday intey Dhufeysyada isu galeen , dhabar iska toogasho isku bilaabeen!

Waatuu Abwaan Barre Maxamad Fiidoow (Leento) isagoo ka hadlaya halkey bahashu ka qaloocatay lahaa:

“Waddadi shalay weecatiyo
Wadiiqadi na ambisaay
Wanaag noomaad horkicin

Hunguri weynaaday iyo
Damaaciga waalida ah
Waxey eersataa ka mid ah

Horweyn weli oomman baa
Rakaad wabixii ceshaday
Wiilkii Wadaanta u hayaan
Sinnaan u waraabinoo
Waxey eersataa ka mid ah”

Mar kalena waa kii lahaa:

Aarabiitare ciyaar uusan hageyn,Odayadii dheelay
Weli weys eryanayaan iyagoon, kala adkaneyne.

Marna waa kii yiri:

Aqli suubban hadii lagu fakaro, iyo garasho iimaan leh.
Albaab nabadda loo maro bulshada, kuma adkaadeene
Inta xumi inta qumman bey ray’iga, u ogolaan weyday.
Intaas Waano iyo hoga tusaaleyn idin kugu fillane iga taga iga indho iyo dhaga yaridiine !
~Cismaan M Qanyare (Awga)

Osmaan  Khanayre

.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here