Wasiirka Amniga gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Gudiga Difaaca Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degaanka Saqiiro ku sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Degaanka oo qeybgalayay Xoreynta degmada Xarar-dheere iyo degaano hoos yimaada, kuwaas oo howlgalkoodii kowaad ba maantay la wareegay Degaannada Ceelhuur iyo degaano ku xeeran.

Wasiirka Amniga Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo halkaas kula hadlay ciidamada huwanta ah ayaa ku boggaadiyay xoreynta deegaanada iyo Shacabka mudada ay dhibaataynayeen Al-Shabaab, wuxuuna kula dardaarmay inay masuuliyad ay iska saaraan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka iyo deegaannada kale ee ay tagi doonaan.

Galmudug waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab, waxeyna neecaawda xornimo dhawaan gaari doontaa degmooyinka iyo deegaannada ka maqan gacanta Galmudug ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here