LILONGWE (DAYNIILE.COM)-Diyaarad uu la socday Madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa la soo sheegayaa in la waayay kadib markii ay uu dhumay xiriirkii lala lahaa diyaarada bixideeda kadib.

Diyaarada oo ahayd nuuca  milateri ayaa waxaa madaxweyne xigeenka la saarnaa 9 ruux xili diyaarada la waysan yahay meel ay cirib iyo jaan dhigtay sida lagu sheegay war ka soo baxay  dawladda Malawi.

Advertisement

Diyaaradda ayaa ka baxday xarunta Dalka Malawai ee Lilongwe wuxuuna qorshuhu ahaa inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu  kaasoo u jira caasimada Malawai 370Km.

Diyaarada oo ku guuldareysatay inay garoonkaasi ku degto ayaa gabi ahaanteedba la waayay markii xiriirku go’ay.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda isagoona iska joojiyay safar uu ku tegi lahaa dalka Bahamas.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Plane carrying Malawi vice president goes missing | The Canberra Times | Canberra, ACT

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here