Oslo, 11 June 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.
Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.
May be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here