Magaalada Ceel-dheere ee Gobolka Gal-gaduud waxaa isugu soo baxa qaar ka mida shacab iyo ciidamo  degmadaasi u dhashay kuwaasoo walaalahood reer Xarar-dheere uga mahadcelinayay gurmadkii ay u soo sameeyeen weerarkii doraad ay Alshabaab ku soo qaadeen.

Saraaiisha iyo shacabka reer Ceeldheer ayaa uga mahadceliyay walaalahooda reer Xarardheer hiiladooda waqti loo baanaa oo culeys dagaal uu heystay.

Advertisement

Sarkaalka hogaaminayay reer Xarardheere Axmed Cali Guurre ayaa isna ka hadlay goobta wuxuuna sheegay inay mar kasta garabkooda yihiin walaalahood reer Ceel-dheere isagoona ka cudur daartay inay ka yara soo daaheen gurmadka.

“waajib na saaran ayuu ahaa kaalinta walaalnimo ee aan buuxnay,waxaana leeyahay reer ceel-dheer waad guuleysateen”ayuu yiri Axmed Cali Guurre oo xusay inay saacad kasta balan qaadayaan inay u taagan yihiin difaaca shacabka uu sheegay inay u dhaarteen.

Hadaba halkaan ka daawo Muuqaal aan ka soo xiganay TV-ga Qaranka:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here