Gad Gaddooonka M. Qoor Qoor & Gubashada Galmudug..

Galmudug Ka kooban Qabaa’il badam oo isku tagay kuwaasoo badankood Kala qabay Tabashooyin & Aanooyin hore , Ayaa Waxaa lagu guulaysray in Lasoo Af jaro Aanooynkaas Qabiil Sannad ka hor, kadib markii uu Arintaas Dhaxda u xirtay Ra’isul wasaarihii horre Xassan Cali Khayre, Waxaana la xaliyay inta badan Tabashooyinkii ay kala qabeen Qabaa’ilka,

Intaas Kadib Waxaa la dhisay Galmudug lagu Midaysan yahay, Waxaana Madaxwayne loo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, bilihii kowaad Qoor Qoor Waxa uu Muujiyay dedaal ku aadan sidii loosii dhamaystiri lahaay Guulaha hordhaca ah ee Galmudug gaartay, Waxa uuna haystay Madax banaani uu ugu adeego Dadkiisa & Deegaanka uu Maamulo,

balse wixii ka dambeeyay Xil ka tegistii khayre, Madaxwayne Qoor Qoor waxa uu noqday nin u Afduuban Shaqsiyaadka talada dalka haya, waxaana dhacday in wax walba looga yeeriyo Xafiiska Muqdisho, Galumudugna halkaas waxaa kusoo gaaray Dayacaad bulsho & Mid Siyaasadeed,

Maalmahaan Waxaa dib u curtay Gadood ciidamo beeleed iyo Aanooyin Qabiil oo dib loo danqiyay, Waxaana muuqata Saan saan dib u gurasho colaadeed oo ay galmudug dabada lasii galayso, Madaxwayne Qoor Qoor ayaa loo arkaa nin ka shaqeeynaya Danno lid ku ah Maslaxadda Galmudug, Waxa uuna olole ugu Jiraa dib u doorashada Madaxda hadda Talada haysa, Isagoo iska ilaabay Masuuliyaddii ka saarnayd Galmudug & Dadka uu Masuulka ka yahay,

Haddii aan la helin Talaabooyin lagu bad baadin karo Galmudug waxaa hubanti ah in ay ku dhici doonto oo cagaha la gali doonto xaalad khatar ah, Guddoonka baarlamaanka Galmudug & guud ahaan xildhibaanada galmudug ayaa u muuqda kuwo indhaha ka fiirsanaya xaaladda cakiran ee ka taagan galmudug, iyagoo luminaya doorkoodii bad baadinta galmudug,

Mar haddii Maamulkii galmudug lagu hungoobay waxaa laga maarmi doonin in cuqaasha iyo odayada galmudug u istaagaan bad baadinta galmudug, iyagoo xoogga saaraya daminta colaadda & in ay ka tashadaan Maamulka fadhiidka noqday ee dayacay rajooyinkii galmudug dibna ugu celiyay Colaad qabiil & mid.siyaasadeed,

Avv  Ibraahim Xasan Awaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here