Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,waxaana Guddoomiyaha looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka El-Niño.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka Caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore,lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 5 people and suitMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 13 people and lightingMay be an image of 7 people, people studying and newsroomMay be an image of 2 people and people smiling

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here