Kulan ballaaran oo maanta ka dhacay Magalada Muqdisho ayaa waxaa iskugu yimid mid ka mid ah beelaha degga gobolka hiiraan iyagoo ku dhawaaqay inay dagaalka ka dhanka ah al shabaab ee ka socda xoreyntiisa gobolkaasi ay ka qeyb geli doonaan.

Beesha gaal jecel oo siyaasiyiintooda iyo saraakiishooda ciidanka ay ka qeyb galeen kulanka waxay ballan qaadeen inay duulaanka deegaanadaasi lagu xoreynayo ay ku biirayaan si nabad gelyada loo adkeeyo.

Deegaanada beesha ay degto ayaa qeyb ka ah meelaha ay weli ka taliyaan ururka al shabaab marka la eego gobollada Hiiraan,Shabeelooyinka,Jubbooyinka,Gedo ilaa bay iyo bakool.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here