Taliyaha Ururka 4-aad, guutada 16-aad, Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Laba-xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali (Madaale qaran) oo degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe kula hadlay Cutubyo katirsan Kumaandooska Danab waxaa uu ku bogaadiyay kaalinta muuqata oo ay laf dhabarta ugu yihiin Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliye Madaale ayaa guul iyo wax lagu farxo ku tilmaamay sida ay isugu furmeen magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab ee gobolada dalka.

Advertisement

Sikastaba ha ahaate Howlgallada ayuu sheegay inay sii socon doonaan illaa Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan dalka.