Afhayeenka maamulka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sanka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay qaarna nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here