Agaasime ku-xigenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Tababar u furay shaqaalaha Hay’adaasi. Sawiro

0

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa  daah furay Tababar loo qabanayay saraakiisha Hay’adaasi.

Wararka yaa sheegaya in Tababarkani uu ku aadanaa  ka hortagga  Xanuunka CoronaVirus iyo Maareynta Xuduudaha xiliga ay jiraan dhibaatooyinka kaas oo ka dhacay 𝗗𝗲́𝗰𝗮𝗹𝗲́ 𝗛𝗼𝘁𝗲𝗹.

Tababarkaan  ayaa waxaa  soo abaabulay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ iyadoo Hey’adda Socdaalka Qaramada midoobay (IOM) ay gacan ka geysatay qabsoomidda iyo fududeynta tababarkan oo ay ka faaideysanayeen Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee XFS.

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo shaqaalaha ee HSJ Md, Cabdirisaaq Maxamed Xuseen oo ugu horeyn ka hadlay ujeedada tababarka loo qabtay ayaa xusay in baahi weyn loo qabay in Saraakiisha HSJ ay helaan tababar nuucaan oo kale ah isla markaana sheegay in ay saraakiisha kale ee Gobolada iyo xuduudaha ku sugan ay iyana heli doonaan tababarkaan xiliyada soo socda.

Sidoo kale Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo kalimad kooban ka jeediyay furitaanka Tababarka ayaa Saraakiisha ku booriyay in ay ka faaideystaan Tababarka isla markaana ay ku dhaqmaan habraacyada Socdaalka ee xiligaan kuwaas oo loogu talo galay in looga hortago cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo isu socodka Xuduudaha xili uu jiro Caabuqa Safmarka ah ee CoronaVirus iyo cudurka ka dhasha ee COVID-19.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here