Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo munaasabadda furitaanka madasha badbaado qaran ka hadlayay ayaa sheegay in wali uusan wax xiriir ah ka helin madaxda dowladda federaalka.

“Caawa ayaa 11 habeen ii ah inta aan magaalada Muqdisho joogo, ma joogtaa iyo ma timid, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyo ayaa shiraya leh, xitaa su’aal la isma weydiinin. Inaan joogo iyo inaan… anaa isu jooga anaa isu imid,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howsha lagu aasaasay Madasha badbaado qaran loo arkay inay xal ka noqon karto Xaalada cakiran ee Doorashada dalka, taasoo ilaa hadda ay muuqato inaan lahaynin wado sax ah oo dalka lagu jihayn karo.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka.

Ilaa hadda laguma guuleysanin in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan hannaanka doorashada, iyadoo wali uu khilaaf ka taagan yahay qodobbada qaarkood.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here