Ahmed Madoobe oo ka hadlay waxa hor taagan Furitaanka Shirka Muqdisho

0

Waxaan wali si rasmi ah u furmin shirkii la filayay in magaalada Muqdisho ku yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay la xumaatay in isaga iyo Madaxweyne Deni la shiraan Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in suurto gal tahay in maamulada kale kahor yimaadaan waxii ay ku heshiiyaan sadexdooda maadaama hal beel kasoo wada jeedaan.

“Waxaan idhi hadii shalay Dhuusamareeb shirkii ahaa diidmadu ay ahayd niman baa ka maqan, in aan hadana anaga oo saddex ah intaan shirno hadhow aad na xamataan oo tidhaahdaan aryaa day saddexdii qoyska ahayd baa hada wax shiraysee, masiirka iyaga maa ka talinaaya. Warkaasi war kale waaye, taas inaan shir intaan galno saddexdayadu komunikee soo saarro nooca doorashada ka soo hadallo, warqad kale aan soo saarraa waxay macno tiraysaa nooca shirku yahay iyo imaatinkayagii iyo waxaba”. ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in wadatashi kadib isla garteen in shirka la balaariyo loona yeero si ay qeyb uga noqdaan maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

“Waxaan isla qaadanay markaa in aanay sax ahayne, madaxweynoow waan joogaynaa xamar waa la yimid saaxiibadano ha loo yeedho, hadaan wax kala tabanayno aan wadahadallo labada aqal ha la isu keeno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkan kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaraya shirkii magaalada Muqdisho oo markii hore qorshihiisu ahaa kaliya in ay shiraan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland oo horey u diiday shirkii Dhuusomareeb.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here