Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo Maanta barqadii Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya lagula eegtay inta u dhaxeya Aargada Degmada Deeyniile & Xaafada Siisi.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari Prado ah oo ay wateen ciidamada Milalteriga, waxaana goobjoogayaal sheegay in qaraxa uu ku dhintay Askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo labo kamid ah yihiin Shacab.

Ciidamo katirsan booliska degmada Deeyniile ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxa sidoo kalena muddo kooban xiray Aaga uu qaraxa ka dhacay wallow markii dambe ay dib u fureen.

Maamulka degmada Deeyniile iyo laamaha Amniga degmadaas ayaan weli ka hadlin, waxaana qaraxa uu kusoo eegmay xilli xalay ciidamada ammaanka ay howlgallo la xiriiray dhanka Amniga ka sameeyeen Xaafado katirsan degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here