Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray oo burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Kawaanka oo ka tirsan degmada Rhamu ee ismaamulka Mandera, taasoo keentay in dad badan ay ka qaxaan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas kadib markii ay muddo ka nasteen weerarrada Al-Shabaab.

Waxaa hakad galay howlgallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga gobolka iyo gaar ahaan meel u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in ay maqleen jug xoogan oo ka dhacaysa deegaanka kadib markii ay hubiyeenna ay ogaadeen in goobta uu qaraxu ka dhacay lagu burburiyay bam ay soo abaabuleen kooxaha hubeysan.

Kooxihii weerarka geystay ayaa baxsaday wax yar ka dib markii uu falka dhacay iyadoo lix ka mid ah ciidamada ilaalada ka ah xarunta ay ka jawaabeen weerarka.

Taliyaha booliska waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa , taasi oo sababtay inay hakad galaan howlihii Waxbarasho ee Gobolka, isla markaana ay isaga carareen degaanka Macalimiinta Ajaanibta ahaa ee wax ka dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here