Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay gacan ku heenta deegaanka Raage-Ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe soo buux-dhaafiyey.

Sidoo kale AlShabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay Raage-Ceelle, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM oo halkaas fariisimo ku lahaa sanadihii la soo dhaafay.

Wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen deegaanka, kadib markii ay ka war heleen inay gudaha u galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas ay ciidamada AMISOM ku garaaceen deegaanka Raage-Ceelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here