Wararka ka imaanaya degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saakay arroortii hore Al-shabaab ay weerar ku qaaday halkaas.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Alshabaab ay ka kexeesteen Degaankaas nabadoonkii degmada oo lagu magacaabo Axmed Jilcane, iyagoo sidoo kale gubay laba gaari uu lahaa Nabadoonka ay wateen.

Sidoo kale Raaga-ceelle oo kamid ah Shabeelada Dhaxe iyo degmooyin kale oo isla gobolka ah waxaa maalmo kahor ka soo baxay ciidamadii Milataryga ahaa ee ku sugnaa iyagoo kamid ah ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhintii Farmaajo uu samaystay balse shalay uu ka laabtay.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here