Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qarax saaka ka dhacay bar koontarool oo laga hubiyo dadka iyo gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warbaahinta taabacsan Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa oo la rumaysan yahay inuu fuliyay qof ismiidaamiyay, in bartilmaameedku ahaa kolonyo ku socotay teendhada Afisyoni oo ay hadda ka socoto khudbada murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 7 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in aysan jirin qasaare badan oo ka dhashay.

 

Sidoo kale waxaa halkaas marayay Wasiiro ay ka mid ahayd Wasiirka Haweenka iyo Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab xaabseen.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here