XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Dagaalame ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka howlgala deegaan ku dhaw  Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Macalin Cali Yarow ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Magaalada  Xarardheere halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka.
Saraakiisha gacanta ku haya ninkaan isa soo dhiibay ayaa sheegeen inay sida ugu wanaagsan usoo dhaweeyeen madaama uu iskiis isku soo dhiibay.
Aadan Macalin Cali Yarow mar uu ka hadlayay sababta uu uga soo tagay Alshabaab ayuu tilmaamay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee duurka ku heysata kooxdii uu ka tirsanaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and grass
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here