Sida BBC-du sheegtay Tira ka mida Culumaa’udiinka dariqiada Suufiyada ayay Alshabaab ka afduubteen Deegaanka Laanta Buuro oo Afgooye ku dhaw xili ay kulansanaayen.

Qaar ka mida Dariqada suufiyada oo sanadkiiba mar isku iman jirey kulan diimeed ay laanta-buuro ku qabsan jireen ayay soo weerareen alshabaa kadib intooda badan way kaxaysteen.

Advertisement

Tira aan la cayimin oo dariiqada suufiyada ka mid ah ayaa ka baxsaday weerarka alshabaab iyo afduubkooda halka intii badneyd ay kaxaysteen.

Dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab laftigoodu midkoodna kama hadlin aduubkaasi iyo halka lala aaday kooxda culumaa’udiinka dariiqada suufiyada.

Alshabaab ayaa hore naceyb badan ugu muujiyay suufiyada iyagoona ku tilmaama mushrikiin qabuura caabud ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here