CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleedkii shalay ku dagalamayay inta u dhexeysa Cabud-waaq iyo Xeraale kuwaasoo dad badana iska dilay.

Ciidammo ka socda dowladda Federaalka oo ku guuleystay in ay kala dhex galaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Advertisement

Taliyaha Ciidamada Naba sugidada ee ka howlgala Galmudug Faysal Caanood ayaa hogaaminayay ciidamo isugu jirey Booliis iyo Nabad-sugid kuwaaasoo kala dhex galay maleeshiya beeleedkii aaga isugu jirey iyagoona kala qaaday.

Xaalada ayaa hada degan iyadoo warsaxaafadeed dowlada ka soo baxay lagu sheegay in lagula xisaabtami doono dadka hurinaya dagaalada maleeshiya beeleedku isku leynayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here