Alshabaab oo Ku dhex milman Dowlada Heyadaheeda kala gadisan

 Alshabaab ayaa isku dayda inay xubno ku dhex yeelato hay&adaha dowladda Soomaaliya, iyagoo u kala qeybsan saddex nooc oo ay u howlgalaan, waxayna arrintan si weyn u soo shaac baxday, markii xarunta Gobolka Banaadir ay qarxisay haweeney indhoole ahayd oo muddo ahayd agaasime ka tiran Maamulka G/Banaadir.

Galaangalka ay Alshabaab ku dhex leeyihiin Hayadaha dowladda iyo sida ay u kala qeybsamaan iyagoo adeegsanaya farsamooyin kala duwan ayaa waxaa ka hadlaya agaasimihii hore ee NISA C/raxmaan Tuuryare, Taliye ku xigeenkii hore ee Hayadda NISA iyo xubno kale, iyagoo sheegay in jiraan xubno badan oo xiriir la leh Alshabab

Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda.

Xubin horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Al-Shabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya.

00:00
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064