Warar ka imaanaya magaaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in uu Magaaladaas uu ka socdo diyaar garow la xiriira Shirka dib u heshiisinta siyaasiyiinta koofur galbeed
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana dhawaan halkaas la filayaa in ay gaaraan Madax ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya & Ergada ka qaybgalaysa shirka.
Maalmo ka hor waxaa Magaalada Baydhabo gaaray guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ‘ hase ahaatee lama oga waqtiga uu furmayo shirkaas.
Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay diyaar garowga ka socda Magaalada Baydhabo ee ku saabsan shirka dhawaan halkaas ka Furmaya