Ayax farabadan ayaa ku habsaday degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.Wararka laga helayo degmada dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Ayax farabadan ku habsaday degaano hoostaga degmadaas.

Ayaxa oo la sheegay in uu u socdo si arxan raxan ah ayaa baabi’iyay dalagyada Beero iyo dhul daaqsimeed ku yaalla duleedka degmada Dhoobleey, isla markaana uu ku faafayo degaano kale.

Mid kamid ah Beeraleyda ku nool degaannada hoostaga degmada Dhoobley ayaa sheegay in Ayaxa uu degaannada Gobolka Jubbada Hoose uga yimid dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana dhibaato xoogan uu ku haayo.

Guddoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed Xassan oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ayaxa uu waxyeelo farabadan u geystay dhul daaqsimeed ay xoolaha ku tiirsanaayeen.

Dhawaan ayaa degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu arkay Ayax farabadan oo ku habsaday, waxaana sidoo kale Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay bilaabi doonto dagaal ka dhan ah Ayaxa.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here