Xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ka codsanaya Dimuqraadiyiinta inay dib u dhigaan bilowga dacwada xil ka qaadista Madaxweynihii hore Donald Trump illaa bisha Febraayo.

Waxay ku doodayaan in tani ay siin doonto Mr Trump waqti uu ku diyaariyo difaac. Mr Trum Waxaa lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon kadib markii taageerayaashiisa ay weerareen xarunta baarlamaanka bishan.

Dimuqraadiyiinta Aqalka Wakiilada ayaa diyaar u ah inay dacwadda ku wareejiyaan Golaha Guurtida iyada oo ugunDahmbeyntiina Qorshuhu ui yahay in acwad adag uu wajaho madaxweynihii hore ee Mareykanka Donal J.

Mr Trump wuxuu ayaa u duulay Florida markii waqtigiisu dhamaaday Arbacadii, isagoo ka doiday in uu ka qaybgalo caleemo saarkii Madaxweyne Biydhan iyo Kuxigeenkiisa ms Kamala.

6 Bishaan ayaa madaxweynihii hore ee Mareykaka Donal J waxaa uu Taageera u muujiyey Dibad baxyaal weerar Aqalka Golaha Koongareska ee Magaciisu uu yahay Kabitaal Hill halkaas oo ay ugu yaraantii ku dhinteen 5 Ruux iyada oo Tira kale oo intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen. By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here