AQRISO Waala Aasay Dhamaantood. Hadii Alle uu ku siiyay dareen damqado Please u duceey

0

AQRISO Waala Aasay Dhamaantood. Hadii Alle uu ku siiyay dareen damqado Please u duceey

• WEY XASUUQEEN.

Waxaa dhacay musiibo weyn. Waa mid kamid ah dhacdooyinkii ugu darnaa aan qormo ka diyaariyo

Xasuuq ayaa dhacay lakin middaan waa mid uu alle swt nooga caroon doono hadii aan laga damqan dhacdadaan xanuunka badan.

• MAXAA DHACAY ?

Maalin kahor ayaa Ciidan cabdi bile wataan waxey Isbitaalka deegaanka Gololeey kala baxeen 8 Dhalinyaro oo dagan Balcad.

Qaarkood Muqdisho ayey ugu yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka dagan Gololeey oo ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

• KADIB MAXAA DHACAY

Ciidanka ayaa meel duur ah inta geystay dhalinyaradii waxey kala daaleen xabad. Kadibna wey gubeen, weyna daldaleen. Yaa rabbi

Shalay Maqribkii ayey kusoo tuureen meel qoryaha xaabada laga gurto oo Gololeey kutaal.

• HOOYADII ARAGTAY DHALINYARADII LA XASUUQAY

Maamo waqtigaas qoryo guraneeysa ayaa urka meydadka dhalinyarada urisay,kadib markii ay aragtay sida ay u yaalaan ooyin iyo qeylo ayey isku dartay.

• DHAMAANTOOD DHAQAATIIR AYEY AHAAYEEN

Abukar, Ali Maxamed Ali, Omar Huti mohamoud, Abdiasis Abdikadir Abdulle, C/risaq c/laahi Qooble, Mohamed Omar Boore, Muuse Maaxi, Yuusuf Ayuub, Nuur Xaaji Gaas kuligood waala laayay.

Waa Dhaqaatiir ka shaqeynaayay xarunta caafimaadka Zamzam foundation. 4 kamid ah dhalinyaradaan ayaa Muqdisho ka yimid si ay Gololeey dadkeeda u daweeyaan.

Qofka ugu da’da weyn waa 38 jir. Qofka ugu da’da yarna waa 24 sano jir. Wixii ku dhacay waa ciqaab aduunyo. Sawirada eeg

• WAALIDKOOD OO HADLAY

Qaar ka tirsan waalidiinta ubixii la xasuuqay oo la hadlay idaacada Dalsan.

“Waxan ahay aabaha dhalay Muuse Maaxi, wuxuu ahaa dhaqtar ka yimid Muqdisho si uu dadka Gololeey ugu adeego. Waana la dilay waliba si aan marna afkeeyga soo qaban karin”

“Aniga waxan dhalay Cumar Huti Maxamed oo hoyadiis aan ahay. Dharka ciidanka Dowladda in sidaan nagula xasuuqo ma sugeynin lakin ilaaheey ayaa joogo oo na daalacanayo”.

• WAALA AASAY WALIBA HALMAR

Waxaa xalay saqdii dhexe hal qabri oo weyn lagu aasay wiilashii la laayay. Iyadoo waxba galabsan ayaa aduunkaan si xun loogu silciyay

• INTAAN U SAMEEY HADAAD AWOODO

Waa jimco Please u duceey in ilaaheey janadiisa uu ka waraabiyo walaalaheen sida xun loo dilay. Waa intaas waxey kaaga baahan yihiin

Share taabo postigaan si cadaalad u helaan waalidiinta wali nool ee ubadkooda laga xasuuqay. Justice

Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir Ka damqo dhacdadaan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here