Danbi-baarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu usoo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo aruurinta cadeymaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan kiisaska dambiyada culus ee ay gacanta ku hayaan.

Advertisement

Kooxda dambi baadhayaasha ayaa qaatay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

“Tababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada lagaley ama la gali rabo isla markaana soo qabtaan la tuhmayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad ah ugu fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu yiri Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Xidigle Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabashadeeda tababarka, isagoo xusay in “ay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyada”.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.

“Aqoonta gaarka ah ee la helay waxay wax badan ka tari doontaa caawinta booliska si ay u aqoonsadaan tuhmanayaasha una xalliyaan dembiyada adag, taasoo taageereysa raadinta Soomaaliya nabadda oo xasilloon. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan siinnay saaxiibadeena Soomaaliyeed xirfadaha muhiimka u ah baaritaannada iyo mas’uuliyadda sharci fulinta,” ayuu ASP Agbo ka sheegay xafladda xiritaanka tababarka.

C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeysan.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka qayb galo tababarkan ku saabsan baaritaanka faraha, waxaana ka helay xirfado qiimo leh. Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa ATMIS oo kaashaneysa Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo soo qaban qaabiyey hidisahan qiimaha badan leh” ayuu yiri Cabdullaahi.

ATMIS ayaa tababaro la mid ah kan oo kor loogu qaadayo tayada Booliska Soomaaliyeed u qabatay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada kale ee Federaalka sida Baydhabo (Koonfur Galbeed), Kismaayo (Dowlad Goboleedka Jubbaland) iyo Caasimadda Muqdisho. si loo horumariyo tayada booliska Soomaaliyeed.

XIGASHO ATMIS.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here