Jowhar, 26-May-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle kuwaas oo 2 ka mid ah ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
Director.communication@hirshabelle.gov.so
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here