GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Puntand ayaa ku amray Itoobiyaanka sharci darada ku jooga Magaalada Garoowe inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Magaaaladaasi.

Amarkaan wuxuu ka soo baxay Duqa caasimadda Garoowe  Geeddi Axmed Tuurre isagoo xusay in Itoobiyaankii aan amarkaasi u hogaansamin inay xoog ciidan u adeegsan doonaan ka saarista Garoowe.

Advertisement

“isagoo xir xiran ayaa dalkiisa ku celin donaa kii aan isagoo xor ah amarka qaadan”ayuu yiri Geeddi Axmed Tuurre

Wararka laga helaayo Garoowe ayaa sheegaya inay aad usoo buuxdhaafeen Itoobiyaanku xili waliba ay shaqooyinka yar yar ku ciriiriyeen dhalinyarada qaban jirtay shaqooyinka hoose sida caseeyaha ama nadiifiyaha kabada oo kale.

Maamulka Puntland maaha markii ugu horeysay oo ay Itoobiyaanka ka saaraan mid ka mida magaalooyinka hoos taga maamulkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here