Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku soo dhoweeyay fadhiga Golaha wuxuuna uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdigiisa isagoo tilmaamey in muhiim ay u tahay Jabuuti, wuxuuna ku ammaanay Baarlaamka Soomaaliya inuu ansixiyay shuruuc ahmiyad gaar ah u leh hanaanka geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay wafdigiisa qeyba ka yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Jabuuti ayaa kulanka aan caadiga aheyn ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka khudbad ka jeediyay waxaa uuna ku ammaanay dowrkii lama ilaawanka ahaa ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku laheyd dib u yag-leelida Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo garab u ah walaalahooda Soomaaliyeed.

DHAMAAD.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here