Waxaan hambalyo u dirayaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sanad guuradii 81aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL, kuwaas oo baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo innaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.

Maanta waxaan maraynaa marxalad kale oo la mid ah xilligii ay kaceen dhallinyaradii SYL oo dalkeenna ay ragaadiyeen kooxo Khawaarij ah oo duulaan ku ah diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed, una diiddan in ay gaaraan nabad iyo horumar.

Advertisement

Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay ilaashadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here