MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Abuukaate Cali Xalane oo ah qareenka u dooddaya Sayid Cali Macalin Daauud oo maanta mar kale dil lagu xukumay ayaa ka hor yimid go’aanka Maxkamada racfaanka.

Abuukaate Xalane wuxuu sheegay inay dacwad u gud-binayaan Maxkamada sare sidaas oo kalana uu sayid Cali dalbaday in arintiisa loo gudbiyo Maxkamada sare.

Advertisement

” kuma qanacsanin xukunka Maxkamadda Racfaanka ee dilka toogashada ah, waxaan dacwad u gudbin doonaa Maxkamadda Sare ee dalka”ayuu yiri Abukate Xalane.

Xalane wuxuu sidoo kale ku dooday in warqadihii isbitaalka ka soo baxay ay cadeynayeen in gabadhu qabtay dhiig-kar.

“Warqadda Isbitaalka waxaa ku caddeyd in Gabdha uu Dhiig kar Kalyaha ku dhuftay sida doodeyda ku jirtay”ayuu yiri Abuukaate Xalane.

Dhanka kale qodobka abuukaatahaan looga adkaaday ee dadaalkiisii burburisay ayaa ah boynti laga helay Sayid Cali intii ay socdeen fadhiyadii maxkamada  taasoo ahayd mar uu qirtay in dabkii uu shiday ay u dhimatay balse uusan iyada la Rabin islamarkaana uu doonayay kaliya inuu guriiga iyo wax dhex yaal uu gubo

Abuukaataha ayaa ka carooday su’aal wariyayaasha ay qiraalkaasi ka weydiiyee, si kulul ayuuna uga jawaabay.

“Sayid Cali dhaqtar maaha waa eedeysane mana dhihi karo dabkii aan shiday ayay u geeriyootay”ayuu yiri Abuukaate Xalane oo xanaaq laga dareemi karay.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here