MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa goor dhaw dil toogasho ah waxay ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daauud  oo ku eedeysnaa inuu xaaskisa gubay kadibna ay u geeriyootay.

Gudoomiyaha Maxkamada oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay inay ayideen xukunkii hore uga soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ee dilka ahaa.

Advertisement

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in iyaguna ka maxkamad racfaan ahaan dil toogasho ku xukumeen Sayid Cali Macalin Daauud.

Mar uu sharaxaayay Gudoomiyaha   madaama marqaatiyaal la heyn waxay u cuskadeen xukunka ayuu soo daliishaday xukuno dhowr ah marqaati la’aan hore loo fuliyay.

Gudoomiyaha ayaa tusaale usoo qaatay in Xiligii Nabi Maxamed CSW ay adeegsadeen qariino iyo calaamado lagu dhisi karo go’aanada qareenada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here