Siyaasiga Cali Yare Cali oo mar soo noqday Gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bartiisa Face-book ku soo qorey in asbuucaan gudihiisa la badeli doono Taliyaha Ciidamada Xoogga Ibraahim Sh.Muxudiin.

Siyaasiga oo sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay ciidamo tababar ugu soo dhamaaday Turkey oo dhawaan dalka ku soo laabanaya inay macquul tahay inay ku soo aadaan iyadoo dalku yeeshay Taliye cusub.

Advertisement

Qoraalka Siyaasiga Cali Yarre Cali ayaa sidan u qornaa:-

Dufcooyin ciidammo ah, Gorgor ah, oo horleh ayaa dhawaan kasoo laabanaya dugsiyada dagaalka ee Turkiga kana soo dagaya dalka.Waa dufcooyinkii koowaad sidii ay dowladda Xasan Sheekh u timid.

Qaladaad-kasta oo ay dowladdaan dhanka ciidanka ku kacday hadana waxay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aan horay looga fileeyn balse ay sameeysay kuna amaanantahay labo qodob oo kala ah;
1. In ay dib u furtay heshiiskii ay iyadu awalba saxiixday 2015 ee dalka turkiga oo muddo gaaban hakad galay.
2. Iyo in aanay ciidanku muddada labada sano ah oo ay joogto aanay marnaba mushaarkooda waayin xataa gal bil-na.
Nasiib wanaag waxay ciidamada cusub la koowsan doonaan iyada oo maalinka Khamiista ah ee nagu soo fool leh ay u badantahay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, oo uu noqon doono Janan dhallinyaro ah oo ay ummada Soomaaliyeed si aan kala qeybsaneeyn laheyn oo mideeysan ay ugu wada dabbaaldagi doonto magacaabistiisa kaasoo lagu bartay cadaalad, dhowrsanaan iyo qoor-gooynta boqolaal arxanlaawayaasha Khawaarijta ka tirsan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here