Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada ay UK siiso hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyada oo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Advertisement

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee UK ay siiso ciidanka amniga ay lagama maarmaan u tahay in la sii wado horumarrada laga gaarayo nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilligaan lagu jiro wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankiisa, Danjire Nithavrianakis, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga, si loo gaaro nabad waarta, loogana guuleysto kooxaha Khawaarijta ah.May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and text that says "PROIT h Emba dishu"May be an image of 2 people and text that says "DROIT MON sh Embass adishu"May be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and text that says "British Embassy Mogadishu H 1"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here