Garabka militariga Xamaas ayaa weerar gantaal ah ku qaaday  Xarunta Yuhuuda ee Tel Aviv,taasoo kicisay qaylo dhaan.

Guutooyinka ka tirsan Qassam waxay sheegeen in dagaalyahanadoodu “dileen oo qabteen” tiro aan la aqoonsan oo askar Israa’iil ah oo ku sugnaa xerada Jabalia.

Advertisement

Milateriga Israa’iil ayaa beeniyay sheegashadaas Dagaalyahanada Xamaas ee reer Falastiin, arrintan waxay ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay xoojisay weerarrada guud ahaan Gaza oo ay ku dishay in ka badan 80 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Afar baabuur oo gargaar oo ka yimid Masar ayaa Gaza ka soo galay marinka Karem Abu Salem (Kerem Shalom) xilli 70 kooxood oo caalami ah ay ku baaqeen in lagu dhawaaqo macaluul ka jirta dhulkaas.

Bisha Cas ee Masar ayaa sheegtay in ka badan 200 oo baabuur inay galaan Qaza iyadoo ay jirto xiisad bini’aadantinimo.

Ugu yaraan 35,984 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay ilaa 80,643 qof ayaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

     =SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Dagaalyahanada Xamaas Oo Ugu Dambayn Shaaciyay Tirada Yuhuuda Ay Ku Qabteen  Dagaalkii Ay Ku Qaadeen Israel | GNN

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here