Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 670 ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay Papua New Guinea.

Maamulka ayaa isku dayaya in ay ka dhisaan xarumo laga daadgureeyo dhul ka ammaansan labada dhinac.

Advertisement

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa kordhisay qiyaasta tirada dadka ku dhintay dhul go’a ba’an ee ku dhuftay Papua New Guinea (PNG) ilaa in ka badan 670.

Serhan Aktoprak, oo ah madaxa ergada Qaramada Midoobay ee jasiiradda Koonfurta Baasifiga, ayaa sheegay Axada maanta ah  in tirada dhimashada dib loo eegay ay ku salaysan tahay xisaabinta tuulada Yambali iyo mas’uuliyiinta gobolka Enga in in ka badan 150 guri ay ku aasmeen dhul go’ Jimcihii, qiyaastii hore waxay ahayd 60 guri.

“Waxay qiyaasayaan in in ka badan 670 qof ay hadda ciidda ku hoos jiraan,” Aktoprak ayaa yiri madaxa ergada Qaramada Midoobay
“Xaaladdu aad bay u xun tahay iyadoo dhulku weli sii simbiriirixyo. Biyihii waa socdaa tanina waxay abuuraysaa khatar wayn qof kasta oo ku lug leh,” ayuu raaciyay Aktoprak, oo fadhigiisu yahay caasimadda, Port Moresby.

Dhanka kale, samatabbixiyeyaashii gurmadka ayaa u raray dadkii ka badbaaday dhul go’a baaxadda weyn ee dhul-goosadka ahaa, iyadoo tan baaxadda leh ee dhulka aan degganayn iyo dagaallada qabaa’ilka, kuwaas oo ku badan dhulalka sare ee dalka, ay halis geliyeen dadaalka samatabbixinta.

Burburka soo gaaray kaabayaasha ayaa sidoo kale ka dhigay mid aad u adag in samatabbixinta iyo gurmadka la gaaro aagga, sida uu sheegay Justine McMahon, oo ah wakiilka kooxda bini’aadantinimada ee CARE Australia ee PNG.

“Dhulku aad ayuu u deggan yahay, taasoo adkeyneysa in samatabbixiyeyaashu ay galaan. Waddada weyn waxaa sidoo kale la jaray ilaa 200 mitir [656 cagood], taasoo caqabad ku ah gargaarka,” ayay u sheegtay Al Jazeera.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

4 Dead, Over 300 Buried In Papua New Guinea Landslide: Report

View of the damage after a landslide in Maip Mulitaka, Enga province, Papua New Guinea May 24, 2024 in this obtained image. Emmanuel Eralia via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES.?View of the damage after a landslide in Maip Mulitaka, Enga province, Papua New Guinea May 24, 2024 in this obtained image. Emmanuel Eralia via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES.?People carry bags in the aftermath of a landslide in Enga Province, Papua New Guinea, May 24, 2024, in this still image obtained from a video. Andrew Ruing/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. MANDATORY CREDITINTERACTIVE_PAPUA_NEW_GUINEA_MAY26_2024-1716716763

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here