Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in wadahadalada xabad joojinta Gaza ay dib uga bilaaban doonaan talaadada maanta ah magaalada Qaahira,balse Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa diiday hadalka wada xaajoodka cusub ee Israel.

Osama Xamdaan oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in aan loo baahnayn wada xaajood cusub oo lala galo Israa’iil, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in la doonayo in dib loo cusboonaysiiyo wadahadallada xabbad joojinta ee Gaza.

Advertisement

Wareysi uu taleefoonka siiyay Aljazeera Sabtidii, Hamdan waxa uu ku sheegay in shuruudda degdega ah ay tahay in Israa’iil ay ka baxdo Marinka Qaza, dhammaan gardarradana ay joojiyaan.

“Uma baahnin wada xaajood cusub,” ayuu yiri Osama Xamdaan oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xamaas , isaga oo intaa ku daray in Xamaas ay mar hore ogolaatay soo jeedin xabbad-joojin ah oo ay Israa’iil diiday.

Horaantii bishaan, Xamaas ayaa ansixisay soo jeedinta xabad joojinta toddobo bilood ee dagaalka Gaza oo ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar inkastoo Israel ay sheegtay in soo jeedinta ay ka hooseyso dalabaadkeeda.

Sabtidii, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, mas’uuliyiin ka tirsan wada-xaajoodku waxay sheegeen in xukuumadda Israa’iil ay doonayso inay dib u cusboonaysiiso wadahadalka heshiiska lagu sii daayo Qaza maalmaha soo socda, ka dib markii ay dhexdhexaadiyeyaal kula kulmeen Paris.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, madaxa sirdoonka Israel David Barnea ayaa ogolaaday qaab cusub oo wadaxaajoodka hakadka galay ee dhexdhexaadiyeyaasha Agaasimaha CIA Bill Burns iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Dalabkan cusub waxa soo diyaariyay kooxda wada xaajoodka ee Israel waxana uu ka kooban yahay xalalka suurtagalka ah ee qodobbada khilaafku ka taagan yahay doodihii hore.

Laakiin saraakiisha wasaaradda gaashaandhigga ayaa aaminsan in xitaa haddii Israa’iil ay ogolaato xabbad joojin ku meel gaar ah, ay awood u yeelan doonto in ay mar kale ku soo noqoto dagaal marka loo baahdo bilo ka dib.

Xamaas waxa ay ku adkaysatay in aanay doonayn in ay aqbasho xabbad joojin ku meel gaar ah, balse joojinta dagaalka ay tahay mid joogto ah.

SOURCE ALJAZEERA.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hamas official expresses opposition to latest hostage deal offer, but  terror group says talks continue | The Times of Israel

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here