Maxamed Aadan Koofi oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada ayaa ka hadlay go’aanki shalay maxkamada Gobolka Banaadir ay kaga biri yeeshay eedii hore loogu jeediyay ee musuqmaasuqa.

Koofi wuxuu sheegay in Maxkamadu xaqa u hiilisay isagoona soo dhaweeyay garsoorka dalka iyo go’aankooda lagu bari yeelay isaga iyo masuuliyiintii kale sida Muxudiin Saabeey iyo Cabdul oo iyagana lagu waayay musuq maasuqa.

Advertisement

“eedeymahaan kaliya waxaa ahayd in nalagu sumcad dilo ee ma ahayn wax jira islamarkaana nalaaga niyad jabiyo higsigeena siyaasada”ayuu yiri Mudane Maxamed Aada Koofi

Qoraal uu ka hadlayo arinaas ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey.

Mahad badan

Dr. Maxamed Aadan Koofi

Waan Is Heynaa Aniga iyo COVID19..! (Warbixin uu Qoray Agaasime Koofi) -  Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here