Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin Wasiirrada Beeraha, Tamarta, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun kaas oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo.
May be an image of 5 people and helicopter
May be an image of 9 people
May be an image of 5 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 10 people
May be an image of 5 people and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 8 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here